Close

Proposals

Fursad Fund waxa ay dhiiro-gelineysaa kuna casuumeysaa dhamaan Shirkadaha soomaaliyeed iyo ganacsiyada bilowga ah ee ka hawlgala guud ahaan Gobolada Dalka ay soo dalbadaan Maalgelinta Fursad Fund. Fikradaha guuleysta ayaa heli doona Foomka maalgelinta oo dhameystiran.

FADLAN HALKAN SI TOOS AH FIKRADAHA UGU SOO HAGAAJI [email protected]

Hantida waxaa lagu maalgelin doona bilawga ganacsiga qaab Agab ama Lacag kaash ah, soo xulista iyo kala shaandheynta fikradaha waxaa u xil saaran Guddiga Doorashada Mashaariicda, iyaga oo soo saari doona liis ay ku dhanyihiin mashaariicda iyo fikradaha u qalma in la Maalgeliyo.

SHURUUDAHA LAGU SOO XULI DOONO FIKRADAHA

  • Fikrad guud oo ku aadan hadafyada iyo wax soosaarka ganacsiga.
  • Haddii uu yahay ganacsi jira waa in uu ka diiwaan gashan yahay guud ahaan dhulalka ay Soomaalidu dagaan
  • Caddeyn wax qabad hadii uu yahay ganacsi shaqeeya

Ugu dambeyn,waxaa xulashada fikradaha aasaas u noqon doona baaxada shaqo ee ay fikradda abuuri karto, falanqaynta suuqa, maamulka ganacsiga, waayo-aragnimo, kobcinta dhaqaalaha, Sugnaanta iyo jiritaanka mudada fog iyo caddadka kharashka

Waxii suaalo ah noogu soo hagaaji [email protected]